Wasiirada Khadiija Diiriye iyo Xamza oo hadallo kulul is-dhaafsaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Xamza Saciid Xamza ayaa is dhaafsaday hadallo kulul oo ku aadan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.

Wasiirka wuxuu sheegay in wasaaradda marka uu tagay shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa iyo laba sano iney fasax ku maqnaanyeen mushaarna qaadanayeen.

Wasiir Xamza ayaa yiri, “Habeenkii aan la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, waxaan waayay xafiis aan subixii u shaqa galo, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiraan mushaarkana ay iska qaadanayaan, runtii waxay taasi igu noqotay mushkilad weyn oo meesha ka jirtay.”

Markii weydiiyey halka lagu shaqeeyana waxaa loo sheegay iney wasaaraddu lahayn xaruun ay ku shaqeyso shirarkana lagu qabto huteellada iyo xaafadaha.

Labadaan wasiir ayaa shaqada labadaas wasaaradood loo kala wareejiyey markii uu xafiiska yimid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna wasiir Khadiija ka soo jawaabtay dhaliil uu wasiir Xamza u jeediyey wasaaraddii ay ku wareejisay.

Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa ka soo jawaabay, waxayna wasiir Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka.

Wasiir Khadiija ayaa tiri ““28-OCT/2020 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka iyo MM XJFS ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida wasaaradda lagu iibiyay weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama haayo. Hanti Qarana waligeey la iguma eedeyn.