Wasiirada ku dhow Rooble iyo saaxiibadii hore ee Farmaajo oo siyaasada laga saaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu jah wareersan yahay sababta saaxiibadiisa siyaasada qeybtood kuraastoodii xildhibaanimo uwaayeen.

Hore Baarlamaanka golaha shacabka waxaa maalmo ka hor kursigiisii waayey labaatan sano kadib Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa,waxaana uu si cad usheegay dalxa in la dulmiyey aakhirana uu kula xisaabtami doono kuwii xaqiisa hor istaagay.

Sidoo kale madaxweyne farmaajo ayaa xabadka ugaraacan waayey Ibraahim Isaaq yaroow iyo C/weli Muudeey oo ay wax badan isla xeerin jireen go’aanada nabad iyo nolol.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa ka mid ah shakhsiyaadka Villa Soomaaliya ay usahli weysay in kursigiisii isna difaacdo sanadkaana sidaas looga reebo.

Dagaalka baarlamaanka cusub ee kuraastiisa isha lagu wada hayo kasokoow waxaa jira in ay soo baxayaan xogo tilmaamaya in labada xafiis Ee Farmaajo iyo Rooble ay khiyaano degeen xubnaha lasoo saarayo.

Hardanka siyaasad ciyaarka ayaana mar walbo guusha heli karaa cida ku sameysa waxaana la ogaan doonin halka lagu kala adkaan doono.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Abuukar Carab iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qudhooda ay wajahayaan in ay waayi karaan kuraastooda golaha shacabka,oo dad kale ayuu Farmaajo uxirayaa inay soo baxaan.

Labadaan Wasiir iyo C/llaahi Maxamed Nuur oo isna ah Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa saaxiib dhaw la ah Ra’iisul Wasaare Rooble,waxaana macquul ah in laga waayo baarlamaanka 11aad.