Wasiirada Maamul goboleedyada oo dalab culus u diray dowladda Federaalka

BAYDHABO-AYAAMAHA-Wasiirada gargaarka maamul goboleedyada dalka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha, oo ah lacag ka timid dibedda oo gaareysa ku dhowaad $10 milyan.

Shir ay magaalada Baydhabo ku yeesheen Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo socday 12-kii ilaa 14-kii bishan September 2022 ayaa maana la soo gabagabeeyey.

Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli xaaladaha bini’aadantinimo ay ka sii dartay welina ay sii kordhayaan walaaca, iyadoo warbixinadii u dambeeyay iyo saadaasha ay muujinayaan isbeddellada welwelka leh iyo khatarta macluusha oo sare u kacday haddii aan wax-ka-qabasho degdeg ah la helin.

Dawladda Soomaaliya ayaan markiiba ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada.

Lacagta ay maamul goboleedyada dalbadeyn in la fasaxo ayaa ah middii ay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka xayirtay Imaaraadka ee uu dib ugu fasaxay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo markii dambe Imaaraadka ay ku wareejiyeen Rooble, si wax looga qabto arrimaha abaaraha.