Wasiiradda Amniga iyo Gaadhaandhigga oo wada Qorshe lagu soo xirayo siyaasiyiintii Afgembiga sameeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in xalay ilaa saaka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu isku dayay in uu dalka ka sameeyo afg3mbi balse uu dhicisoobay.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in Ciidamo sigaar ah uga amar qaata Farmaajo uu ku weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha & qeyb kamid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada balsle nasiib wanaag tallaabadaas ay ka horyimaadeen qaar kamid ah ilaalada Madaxtooyada iyo qeybo kale oo kamid ah Ciidamada uu dhicisoobay.

Sidookale Xukuumada ayaa sheegtay in Afgembigaasi fashilmay intii ka qeyb qaadatay la aqoonsaday oo lagu raad joogo tallaab sharci ahna laga qaadi doono.

Wasiirka Amniga ayaa cod dheer ku sheegay in ay inqilaabkaasi ka qeyb ahaayeen abaabulkiisa siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan inkastoo uusan magacooda sheegin maadaama howlgal ka dhan ah hadda uu socdo.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay weli jiraan Ciidamo tiro yar oo ku howlan Afgembiga oo garan la’ in uu waaga ku baryay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Wuxuu ugu baaqay Ciidamada inay difaacaan dowladnimada ayna ilaaliyaan hantida Suacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ku lug laheyd Afgambiga dhicisoobay.