Wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyada oo xiriirkii u jaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa xiriirkii u jaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal wadajir ah oo goordhow kasoo baxay Wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in xiriirkii ay u jareen Wasiirka wasiirada Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya sababo la xiriira heshiisyo horey loo galay oo dowladda Federaalka ka baxay.

Hoos ka akhriso qoraalka.

Ku:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya

-Muqdisho=

Og:- Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha Ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya -Caasimadahooda=

Og:- Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya =Muqdisho=

Og:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

-Muqdisho=

Ujeeddo:- Joojin Dhammaan Wada Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda JFS

Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto 2022 kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyagoo kulankooda diiradda ku saaray wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiraddu iyagoo tixraacaya heshiisyadii wada shaqeynayd ee u dhaxeeyey Wasaraaddda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda ee Dawladda Xubnha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee kala ahaa:

1. Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019 2. Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019

3. Heshiiskii Kampala ee December 2019

4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020.

5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Heshiisyadaas oo dhammaan lagu gaaray wada tashi iyo wadar ogol.

Haddaba, markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur-galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan.

Allaa Mahadleh

1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland

2. Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug

3. Xussen Xirsi Axmed Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubaland

4. Axmed Maxamed Xussen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur-Galbeed

5. Cali Cabdalle Nuur

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeele