Wasiirka Amiga oo ka qeyb galay shir todobaadlaha ee Hey’adda Socdaaka.

Shirka hay'adda socdalka
Shirka hay'adda socdalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa maanta shir guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Hey’adda Socdaaka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Agaasinka Guud ee Hey’adda iyo Agaasimayaasha Waaxeedyada.

Wasiirka Amniga ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka oo uga warbixiyay howlaha shaqo ee todobaadkii la soo dhaafay iyo qorshayaasha todobaadyada soo socda u qorsheysan.

Wasiirka Amniha ayaa ku dhiirageliyay Agaasimayaasha inay dardar geliyaan howlaha shaqo ee ay ummadda u hayaan.

Wadamada Viiso la aanta lagu tago Baasaboorka Soomaaliya ayaa sii korrhaya waxaana mudooyinkii dambe Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ay ku howlaneyd sidii Baasaboorka viiso la aan loogu tagi lahaa wadamo badan.

Shirka hay'adda socdalka
Shirka hay’adda socdalka