Wasiirka Amniga iyo Kuxigeenka Ergeyga QM oo qabtay shirka looga hadlaayey Amniga.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Somaaliya C/llaahi Maxamed Nuur iyo Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Shirka Guddiga Fulinta ee Barnaamijka Wadajirka ee Booliska.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galeen xubno ka socday deeq bixiyeyaasha, Saraakiil Boolis, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Amniga heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaalada amniga dalka iyo horumarinta ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, agabyada ay u baahan yihiin u heli lahaayeen sida tababarada ciidanka, awood-siinta, qalabeynta iyo dhismaha saldhigyada booliska