Wasiirka Amniga oo fasaxay banaanbax loogu soo horjeedo dilkii Ikraan Tahliil.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa fasaxay banaanbax loogu soo horjeedo dilkii Ikraan Tahliil oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan taliska Hay’adda NISA.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo xafiiskiisa ku booqatay wasiirka Amniga ayaa ka codsatay in loo ogolaado banaanbax lagu raadiyo cadaalada gabadheeda si waafaqsan dastuurka.

Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa marka hore sheegay in uu murugada la qeyb sanayo qoyska Ikraan Tahliil oo ay ka maqan tahay Gabadhooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu ka cudur saaranayo qoyska Ikraan Tahliil oo dhowr jeer la soo xiriiray si ay ula kulmaan, waxaana uu sheegay in wax walba oo ku saabsan kiiska Ikraan tahliil ay ka wada hadlayaan.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in qoyska Ikraan oo ay ugu horreeyso Hooyo Qaali ay ka codsadeen inay dhigaan dibadbax Nabadeed oo ay ku dalabanayaan in Cadaalad loo helo Ikraan, waxaana uu sicad u sheegay  inay u fasaxan yihiin.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan dad dhigayay banaanbax Cadaalad loogu raadinayay Ikraan Tahliil Rasaas lagu kala eryay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.