Wasiirka Amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya cabdullaahi Macamed Nuur ayaa war kasoo saaray qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu xasuuqay dad u badnaa Shacab.

“Waxaan Cambaaraynayaa weerarki argagixiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana tacsi u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada iyo asaxaabta shacabka ay bartilmaameedsatay argagixisado, Waxaana shacabka Soomaaliyeed u balan qaadaynaa in hay’adaha amnigu qaadi doonaan talaabo amniga dalka gaar ahaan magalada Muqdiaho wax muuqda looga qabanayo hadii alle idmo.”