Wasiirka Amniga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Saraakiishii joojiyay banaanbaxa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal uu kusoo daabacay Wasiirka Amniga Soomaaliya bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay ciidan is hortaag ku sameeyey dad banaanbax dhigayey maanta gudaha Muqdisho.

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in aysan aqbali doonin muwaadiniin banaanbax nabadeed dhigayey la jir dilay qaarkoodna la dhibaateeyey.

Wasiirka waxa uu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono sida wax u dhaceen, isla markaana digniin udiray saraakiisha Amniga si aysan mar kale ku kicin is hortaagga bannaan baxyada.

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed ayuu yiri’ Wasiirka.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa yimid kadib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga Axmed Macalin Fiqi ay sheegeen in Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Kaniif & Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole joojiyeen dibadbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble.