Wasiirka Amniga oo u Hanjabay Saraakiishii Joojisay Banaan-bixii maanta

MUQDISHU-AYAAMAHA-Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyay inay soo gaartay Cabasho ah in Ciidanka Booliska ay dhibaato u geysteen mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo Maanta Banaanbax looga soo horjeeday Farmaajo ka dhigay Muqdisho.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in baaritaano lagu sameeyn doono sida ay wax u dhaceen oo shacabka looga hor istaagay banaanbixii ay Maanta ka dhigayeen xaafaddo ka tirsan degmada Hodan.

Shacabka iyo Mas’uuliyiinta cabashada u soo gudbiyey ayuu Wasiirka amnigu u xaqiijiyay in marnaba aan la aqbali doonin in saraakiisha Hay’adaha amnigu ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay, wuxuuna sheegay inay socdaan baaritaano ku aadan falkii dhacay maanta.