Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo fulinaya ballantii uu ka la galay Madaxweyne Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shir guddoomiyay shirka Guddiga hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegeyso Amnigeeda Qaran (STP), kaasoo ay ka soo qeyb galeen Wakiilada Beesha Caalamka, Golaha Wasiirada iyo hey’addaha qaabilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo xubno matalayey Beesha Caalamka oo lagu martiqaaday xiritaanka shirka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga dalka, iyadoo sidoo kale qiimayn lagu samaynayey wejigii koowaad ee Qorshaha Amniga Soomaaliya (STP) iyo dardar gelinka wejiga xiga ee Qorshaha, iyada oo hoosta laga wada xarriiqay fulinta qorshaha amniga Soomaaliya, lana soo jediyey go’aanno lagu dardar gelinayo dhammaystirka qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Manaasabadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay mudnaanta ugu sarraysa siinayso, hirgelinta iyo dhammaystirka Qorshan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad ula dhacsan in Amniga Qaran lagu wareejiyo hay’adda Amniga ee dowladda Soomaaliya, iyadoo dhanka kale mucaaradka ay ku adkeysanayaan inaan la gaarin xiligaan Amniga lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa aaminsan in ciidamada dowladda aan weli Shabaab iska celin karin, sidoo kalena aan haysan hub casri ah oo ay Al-shabaab kula dagaalamaa, sida taagiyada ay haystaan AMISOM.