Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo caddeyey doorka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ee Turkiga duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda  Soomaaliya ayaa todobaadkii hore xaqiijisay wararka sheegaya in diyaaradaha hubeysan ee ay soo saarto Turkiga ee Baykar oo xiriir la leh qoyska Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay hadda ka howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay bixinayaan sahan dhanka cirka ah iyo sahan milateri.

“Dowladda Mareykanka ayaa hogaamineysa, waxaana runtii aad uga mahadcelineynaa in ay hawada ka taageerayaan oo ay fuliyaan weerarada cirka ah ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah. sidoo kale wuxuu bixiyaa taageero sirdoon ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in hawl wadeenada Turkiga ee Drones-ka ay si dhow ula shaqeeyaan taliyayaasha Soomaalida, kuwaas oo siinaya isku-dubarid bartilmaameed ah, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada Alshabaab.

Soomaaliya ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay waxa ay Turkiga la wadaagtay iskaashi ciidan oo qoto dheer.

Marka loo eego falanqeeyayaasha, tallaabadan cusub ee Ankara ayaa loo arkaa mid wax weyn ka tari doonta dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.