Wasiirka Batroolka oo Maanta hortagaya Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa lagu wadaa in Maanta uu hortago Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dhawaan u yeeray.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa loogu yeeray Wasiirka si wax looga weeydiiyo heshiiska Shidaal baarista ee uu la galay Shirkadda Coastline Exploration Limited ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa 19-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan wuxuu sheegay in heshiiska Shidaal uu la ogaa Farmaajo lana galay Shirkadda Coastline balse Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble ay xilligaas diideen heshiiskaas kuna tilmaameen mid sharci darro ah.