Wasiirka Caafimaadka oo soo bandhigay Khasaaraha ka dhashay weerarkii Hoteel Xayaat

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii saacadaha badan socday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray dhismayaal.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, isla markaana Wasaaradda Caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto daryeelka dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkii Al-shabaab, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxyadii dhacay.

Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa intaas kusii daray hadalkiisa inuu u mahadcelinayo bahda Caafimaadka oo uu xusay inay qeyb ka qaateen gurmadka loo sameeynayo dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba, wuxuuna xusay in xogta khasaaraha ee uu shaaciyay kasoo uruuriyeen Isbitaalada Magaalada.