Wasiirka Cadaalada oo ka hadlay musaafurinta soomaliland ay ku sameysay Ganacsatada Koonfurta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Cadaalada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxa uu ka hadlay musaafurint Soomaaliland ku sameeneyso dadka kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu si kulul ucambaareeyey falka Soomaaliland ay ku bilowday in ay dadka qaar beegsato oo ay tarxiin kaga soo saarto gobolka sool qeybo ka mid ah.

Kudhawaad 700 qof oo kasoo jeeda koonfurta soomaaliya ayaa maanta soomaaliland waxay kasoo musaafurisey Magaalada Laas caanod ee Gobolka Sool.

HOOS KA AKHRISO:-

Waxaan aad uga xumahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed waa wax ku cusub dhaqankeena suuban, mana ka turjumeyso ilbaxnimada iyo dhaqanka Dowliga ah.

Waxaa nasiib daro ah in si gaar ah loo bartilmaameedsado dad gaar ah oo weliba si nadab ah ugu ganacsanayey magaalada, qaarkoodna hantidooda iyo guriyahooda laga soo dhex saarey.

Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay joojiyaan falalka noocaan oo kale ah oo dhaqanka Islaamka, midka Dowliga ah iyo kan Soomaaliyeed midna aan ka tarjumeynin.

Waxaan sidoo kale wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha,hayadaha u dhaq dhaqaa xuquuqda aadanaha iyo Shacabweynaha reer laascaanood ugu baaqayaa in aysan ka aamusin raalina ka noqon falkaan foosha xun, dowrkoodana ka qaataan xalinta arinkaan.