Wasiirka Difaaca Iyo Arimaha Dibadda Ireland Oo Soo Gaaray Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Ireland, Simon Coveney ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soodhaweyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soodhaweyay Wasiirka iyo wafdigiisa, waxaana Wasiirada ka qayb qaatay soodhaweyntiisa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka iyo wafdigii la socday ayaa kulamo ka wada Caasimadda, walina lama shaacin sababta uu Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Ireland, Simon Coveney uu u yimid Muqdisho.