Wasiirka gaashaandhiga oo shir albaabada uxiran la yeeshay saraakiil Mareykan ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Gaashaadhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge iyo saraakiil kale oo tirsan Safaaradda Mareykanka waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka argagixisada.

Wasiirka iyo Saraakiisha safaaradda ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta ciidanka iyo la dirirka aragagixisada iyo in ciidamada Soomaliya ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula diriri lahaayeen argagixisada caqabadda ku ah amniga iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub sida ay u garab taagan yihiin Dalka Soomaaliya.