Wasiirka gaashaandhigga oo amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo Taliyaha Ciidanka Badda.

MUQDDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya ayaa ku amaray taliyaha ciidanka xooga dalka inuu baaris ku sameeyo eedeentii uu usoo  jeediyay Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir Ra’isulwasaare Rooble Taas oo uu ku eedeyay   in uu Guryo Raaxo Ka Dhisanayo Dhulkii Ciidamada Badda soomaliya  ay Lahaayeen.

Janaraal odowaa yuusuf raage  ayaa sidoo kale la faray in uu ka qaado talaabo waafaqsan shuruucda Dalka iyo xeerarka ciidanka xooga Dalka.

Taliyaha Ciidanka badda ayaa horay Muuqaal uu Warbaahinta lawadaagay waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu boob sharci darro ah ku hayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda Soomaaliya.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa aaminsan in eedeyntan ay katimid xafiiska Farmaajo maadama RW Rooble uu kala diray Guddigii xalinta khilaafadka Doorashooyinka ee la shaqeynayay kooxda Farmajo.