Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jiida hore ee gobolka Hiiraan ku komeeray ciidamada qaranka ee baacsanaya argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay qaar ka mid ah guutooyinkii ka qeyb qaatay dagaalka ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyay geesiyada qaranka ee casharka lama illaawaanka u dhigay nabad-diidka.

Mudane, Jaamac ayaa Ciidanka ugu baaqay inay dhammaystiraan inta yar ee ka hadhay kooxda naf la caariga ee Al-shabaab, wuxuuna faray in dalkaani uusan kusii jirin duruufaha uu haatan ku jiro cadow dambana uusan u afduubnaan.

“Waxaan rabnaa in dalkaan uusan mar dambe u afduubnaan wiilal yaryar oo maskaxda laga soo qalday, ineysan gabar dambe oo Soomaaliyeed u dhibaatoon, wiilka iyo waayeelka Soomaaliyeedna uusan u dhibtoon”.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidankii ka barbar dagaallamayay kuwa xoogga dalka oo u badan dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay mar walba garab taagan yihiin, loona baahan yahay in layska dulqaado arxanlaawayaasha Al-shabaab..