Wasiirka Gaashaandhigga oo loo diiday tartanka HOP204 kadib dagaalka uu la galay Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Gaashaanshigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ka mid noqday, Wasiirrada aadka ugu dhow, Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, ee Madaxda Maamulladu ka hor istaageen in ay u tartamaan kuraas Baarlamaan.

Wasiir Cabdulqaadir, oo ka mid ahaa, musharixiinta HOP204, ayaa hadda u muuqda inuu ka quustay baratanka Baydhabo, kadib markii Madaxweynaha Koofur galbeed, kursiga u xiray Wasiirkiisa Amniga, Isxaaq Cali Subag, oo ka mid ah shaqsiyaasdka uu siyaasadda ku daray.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan (Jaamac), wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaad kooxda Farmajo la shaqeeyay sanadkoodii koobaad, kuwaasoo uu kaga tagay kala aragti duwaanaan iyo isqabqabsi siyaasadeed oo ku dhisan dano gaar ah.

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa loo magacaabay dhawaan, kadib markii laga soo baddelay Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ka mid yahay Wasiirrada ugu dhow Rooble, ee dhamaadki sanadkii hore, dagaalka la galay Kooxda Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan.

Waxaa sidaan oo kale, dhawaan wayay kursi uu u tartamayay, Wasiir ku xigeynka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo Cabdicasiis Ashkir, oo la taliye u ah RW Rooble, halka, si guud, Wasiirrada muhiimka ah ee Xukuumaddu ku fashilmeen in ay tartamaan.

Inta badan, shaqsiyaadkii saameynta siyaasadeed  lahaa ee ka soo jeeday degannada KGS, ayaa sababsaday qeybta caddaalad darrada ah ee Laftagareen, wuxuuna hor istaagay, MW, Shariif Xasan, Professor Jawaari, Guddoomiye Muuday iyo xubno kale oo caan ah.