Wasiirka Gaashaandhigga oo soo bandhigay Hub Iyo Gaadiid Dagaal Maraykanka ugu deeqay Soomaali

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Gaashandhigga JFS,  Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidanka Danab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda wareejinta hubkaas iyo agab ciidan iyo gadiidka kuwareejiyay wasiirka asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ayna fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo waxwalba.

Wasaaradda Gaashandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.