Wasiirka Ganacsiga Oo Kala Diray Guddigii Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u kala diray Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Sida uu sheegay markii uu arkay xaaladda cakiran ee cuuryaaminta horumarka ganacsiga Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddigii Rugta Ganacsiga loogu eedeeyay inay Cuuryaamin ku hayeen howlaha Ganacsiga iyo Ganacsatada dalka, isla markaana lagama-maarmaan noqotay in la kala diro.

Wasiirka ganacsiga ayaa magacaabay guddi kumeel gaar ah oo howshooda tahay sii wadida xil howleedka rugta Ganacsiga iyo diyaarinta doorashada maamul hufan oo ay yeelato Rugta Ganacsiga.