MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay wehelinayaa Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, agaasime waaxeedyada iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah u saxeexay Xeer Nidaamiyaha labaad ee lagu dhaqan-gelinaayo sharciga shirkadaha Soomaaliya(Sharci Lambar 18 oo soo baxay 2019).
Xeer nidaamiyahan labaad oo Wasaaraddu ka shaqeynaysay muddooyinkii u dambeeyey isla-mar-ahaantaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa lagu saleeyey siddii uu u dabooli lahaa baahiyaha dhinaca habraaca ee la xidhiidha wax-ka-beddelka shirkadaha iyo weli ba dhammeystirka ama dhaqan-gelinta habka onlaynka ah ee lagu dalbado diiwaan-gelinta shirkadaha kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarinta ganacsiga iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ka dib markii uu saxeexay faah-faahin ka bixiyey xeer nidaamiyahan labaad, ayaa tilmaamay in uu fursad u noqon doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah isla-mar-ahaantaana uu u fududeyn doono hawlahooda ganacsi.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaraddu, waxa uu halkaas shahaado sharafyo ku guddoonsiiyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda oo qeyb-weyn ka qaatay diyaarintii iyo daah-furista lagu sameeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysamada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya kaas oo noqday barnaamij guulaystay oo wax weyn ka taray fududeyntii ganacsiga dalka isla-mar-ahaantaana uu qofka ganacsadaha ahi shirkaddiisa diiwaan-gashan karo isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqo ama gurigiisa ba.