Wasiirka gar gaarka oo sheegay in Magaalada Jowhar ay go’doon gashay.

Jowhar-Ayaamaha-Wasiirka gar gaarka maareeynta iyo masiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle,  Cabdi Mahad Cabdullaahi Qoorgaab, ayaa sheegay in Magaalada jowhar ay ku sugantahay xaalad adag kadib fatahaada Wabiga oo jaray dhamaan wadooyinkii soo galayey Magaalada.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa sidoo kale tilmaamay in in kabada 40kun oo Qoys ay ku barakaceen fatahaada, isla markaana wali dhibaatadu ay tahay mid taagan.

Dhawaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in xaalad dag ay kajirto Magaalada Jowhar, isla markaana loo baahan yahay in si deg deg ah loogu soo gurmado Bulshada ku nool Magaalada.