Wasiirka Maaliyada oo kamid ah kuraasta la shaaciyey iyo shaki ku gedaaman dib u soo noqoshadiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada qabanaya soomaaliland Ee SEIT ayaa maqribkii caawa soo saaray liiska 16 kursi oo doorshadooda berri Arbacada la qaban doono golaha Shacabka.

Doorashadaasi ayaa ka dhaceysa Muqdisho iyadoo 16-ka kursi ee lasoo bandhigay doorashadooda uu ka mid yahay midka uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka Maaliyada Dalka Dr Beyle oo doonaya inuu difaacdo Xildhibaanadiisa ayaa mar kale utartamaya Hop#211 kursiga sumadiisu ay tahay isagoo ka mid ah xubnaha nabad iyo Nolol ay wadato.

Dr Beyle ayaa ah garabka Midig ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana shaki ku jirin soo laabashadiisa, waana Wasiir Maaliyeed midkii ugu fiicnaan ee soomara dalka tan iyo burbirkii ayey leeyihiin dadka dowladda aadka u taageera.

Dhanka kale kuraasta la shaaciyey doorashadooda in berri la qabanayo waxaa ku jira midka uu ku fadhiyo Adnaan Cusmaan Cilmi Boqore Hop#236 iyo Kursiga sumadiisu tahay Hop#264 uu ku fadhiyo Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ah Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga UPD ee Xasan Sheekh Maxamuud Hogaamiyo.

Sidoo kale Kursiga Hop#262 oo ay ku fadhido Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyana loo ballansan yahay in liiska doorashada la qabanayo berri ay ka mid noqoto iyada ayaana mar kale taagan oo ay dooneyso inay difaacato kursigeeda.