Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay arrimo badan ku saabsan dhaqaalaha dalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyey xaaladda dhaqaalle ee dalka uu marayo, isagoo ka warbixiyey dhowr arrimood.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu warbaahinta u lahadlay ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan marxaladda dhaqaalle ee uu dalka marayo, isagoo u mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo oo markii hore ku aaminay in Wasiirka Maaliyadda uu noqdo.

Cabdiraxmaan Beyle ayaa mar uu ka hadlay hadal hada kahor uu yiri oo aheyd in dhaqaalaha dalka Sagxada uu taagan yahay si dadka Soomaaliyeed lacag ugu soo aruuriyaan dalka. Taas bedelkeeda loogu jawaabay wax uusan fileyn, isagoo sheegay in hadalkaas uu aad ula yaabay sababtoo ah waxaan wax weydiistay buu yiri Soomaali, ayagana ay hadlka si kale ubedeleen.

Wuxuu sheegay in dalka uu doorasho galay, doorashaduna ay tahay mid is jiid jiid badan, hadana saas ay tahay waxaan bixinaa ayuu yiri waxii nagala rabay oo ah mushaaraadka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in siyaasada iyo dhaqaalaha ay isku xiranyihiin oo haddii siyaasada xumaato dhaqaalaha dalkuna uu xumaanayo.

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda wuxuu sheegay inay ka go an tahay inay bixiyaan dhammaan mushaarka oo ah $30 milyan bilkasta ilaa dowlad cusubna ay ka dhalanayso ay waajib tahay inay bixiyaan.