Wasiirka Maaliyadda oo lagu qasbay inuu la shaqeeyo Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha ama uu xilka isaga tago.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan.

Kulan xalay uu ku dhexmaray Madaxtooyadda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirkka Maaliyadda ayaa lagu amray inuu ka laabto warqada shaqo joojinta.

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.

Arrinta ayaa ka dambeysay kadib markii Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga, sidaas darteed uu wareegtada uu maanta soo saaray kaga laabtay.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa waxay la daala dhacaysaa dhibaatooyinka dhaqaale ayadoo xiligan la joogo shaqaalaha dowladda aan weli wax mushaar ah qaadan.