Wasiirka Maaliyadda Somalia Oo Soo Bandhigay Heshiis Deyn-Cafin Ah oo Uu la Saxiixday Dhowr Dowladood.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis Deyn Cafin ah la saxiixatay Dalalka England, Denmark iyo Netherlands.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa Soomaaliya u saxiixay heshiiskaan.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso 2020 ee Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan, iyadoo heshiiska shirkaas qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan Dowladood ayaa waxa ay gaareysaaa $69.9 million.