Wasiirka Maaliyadda Xukuumdda Soomaaliya oo shir uga qayb galaya dalka Sacuudi Carabiya

MUQDISHO AYAAMAHA Wasiirka Maaliyadda  Xukuumdda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaybeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Sacudi Carabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda  Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hey’adaha maaliyadda carabta, si Soomaaliya ay u gaarto deyn-cafin dhinac walbo ka dhameystiran.