Wasiirka Qorsheynta oo Baarlamaanka horgeeyey Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa;

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya

2) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo qoray Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga ayaa lagu yiri “Waxa aan maanta ka hor akhriyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hindise-sharciyeedka Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya. Waxa aan sidoo kale ka jawaabay su’aalo ay Xildhibaanadu iga weydiiyeen hindise-sharciyeedka Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga oo akhrintiisa koowaad maray”.

Ugu danbeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in Guddiyada Arrimaha Gudaha & Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,