Wasiirka Qorsheynta XFS iyo Hant-dhowrka guud ee qaranka oo kawadahadlay Mashaariicda dalka

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Jamaal Xassan ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Hanti-dhowrka Guud Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Afgoye.

Hanti-dhowrka Guud Ee Qaranka ayaa sharaxaad laga siiyay Nidaamka maareynta deeqaha caalamiga ah (Somali Aid Information Management System), Sidoo kale hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta loogu sameeyo Mashaariicada ka socda Dalka oo dhan.

Ugu dambeyn Hanti-dhowrka ayaa bogaadiyay daddaalada baaxada leh ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa u Ifiyay hanti-dhowrka in ka Wasaaradda ahaan ay la shaqeyn doonan macluumadka la xariira deeqaha sida loo qeybo meelaha ay ka socdan iyo waqti Mashruuca ku egyahay.