Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Oo Gaaray Gobolka Bakool

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Waajid kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedka wafdiga Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir uu ku tegay degmada Waajid ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladaha guud ee bulshada deegaanka.

Inta uu ku sugan degmada Waajid ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Waajid iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada si uu uga dhageysto baahiyaha kajira degmada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiirka uu mashaariic horumarineyd oo ay fulineyso dowladda Soomaaliya uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono.