Wasiirkii caafimaadka HirShabeelle iyo Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Hiiran oo qarax lagu dilay.

Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo waa weyn oo goordhweyd ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la helayaa warar kla duwan oo ku saaabsa weerarkaasi.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, waxaana la arkayay uuro circa isku shareertay taasi oo muujinaysa awoodda Qaraxyadaasi lagu weeraray Xerada Lama Galaay ee Magaalada Baladweyne.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee gawaarida loo adeegsadagay ee Maanta lagu weeraray Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.

Dadka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hure iyo Gudoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey, waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Hir-Shabeelle Axmed Dirir & Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire Colaad.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxyada ay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo dad Shacab ah.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ayaan weli ka hadlin qaraxyada, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxyada, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala & kuwa ka baxa Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.