Wasiirkii cadaalada Koonfur Galbeed oo qarax lagu dilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay Wasiirka Cadalaada Koonfur Galbeed xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Jimcaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qarxa lala beegsaday Wasiirka iyo dadkale, waxaana qaraxa ku dhintay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim lugbuur, qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad Shacab ah.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya & kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa xiray waddooyinka soo gala Aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in qaraxa la dhigay meel wadada u dhow, islamarkaasna lala eegtay gaari uu saarnaa wasiirka Cadalada Koonfur Galbeed.