Wasiirkii hore ee amniga oo xogo xasaasi ah ka bixiyay kiiska Ikraan Tahliil

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii amniga ee Ra’isul Wasaare Rooble  xilka ka qaaday Xasan Xundubey ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil.

Xundubey ayaa sheegay in mar walba uu la socoday Kiiska Ikraan Tahliil tan iyo markii la waayay isagoo xusay xusay maalin walba in saraakiisha NISA ay xog siinayeen.

Mar la weydiiyay cida afduubtay ayuu ku sheegay qowleysato isagoo ku tilmaamay iney yihiin kooxo maafiyo eh oo sida Al shabaab oo kale ah.

Waxa uu Xundubey sidoo kale xusay in gacmo badan ay isku dhiibdhiibeen Ikraan Tahliil isagoo tilmaamay in markii dambe lagu dilay dagmada Jilib.

Waxaase wasiirka uu ka gaabsaday inuu Carab dhabo cida Ikraan afduubatay iyo halka laga watay.

Ugu dambeyntii waxa uu soo dhaweeyay in maxkamad lasoo taago shaqsiyaadka NISA katirsan ee arrintan lagu tuhmayo oo Fahad Yaasiin kamid yahay.