Wasiirkii u ololeen jiray in Ingiriisku aqoonsado Somaliland oo xilka iska casilay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee UK ayaa xilkaas iska casilay kadib markii lagu eedeeyay handadaad. Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin.

“Sidaad ogtahay, waxaa socda cabashooyinka ku saabsan fariimaha qoraalka ah ee aan u diray saaxib aan shaqa wadaaga nahay. Waan u hogaansamayaa hanaankan, waxaanan ka raali galiyay qofka aan fariimahaas u diray,” ayuu ku yiri qoraalkiisa iscasilaada.

Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu handaday qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin.

“Tan iyo markaas, waxaa jiray eedeymo kale oo ku saabsan hab-dhaqankeygii hore. Waxaan beeninayaa sifada sheegashadaas, laakiin waxaan garowsanahay in eedeymahani yihiin kuwo carqalad ku ah shaqada wanaagsan ee ay dowladdani qabato,” ayuu intaa ku daray.

Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday rai’sul wasaaraha.

Rai’sul wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa uuna uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay.

Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee Ra’isulwasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii.

Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii Ra’isulwasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.

Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday, sababahana qeybta dambe ayaan ku faahfaahin doonnaa.

Waa xildhibaan laga soo doorto deegaanka South Staffordshire tan iyo sanadkii 2010-kii, isaga oo sidoo kale noqday duqa xisbiga ee baarlamaanka UK.

Dhowaan waxaa wargeysyada UK kuso baxay warar sheegaya in Gavin la siin doono abaalmarinta loo yaqaano Nighthood, taas oo uu ka heli doono ra’isulwasaare Boris Johnson sida uu qorey wargeyska Daily Express ee UK kasoo baxay, waxayna ka dhigantahay ayaa la leeyahay meeqaamka uu ka taaganyahay dhanka Ra’isulwasaaraha iyo sida ay isugu dhowyihiin.

Balse qeybo kale oo warbaahinta ka tirsan ayaa qoraya in Gavin uu xog badan ka hayo Boris oo maalmahan culeesyo siyaasadeed haystaan, sidaasi darteedna abaalmarintan lagu aamusiinayo isaga.

BBC