Wasiiro Cusub Uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland Oo Maanta La Dhaariyey.

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqday dhaarinta Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynaha Puntland magacaabay oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey.

Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe, halkaasi oo Wasiirada cusub uu ku dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, iyadoo uu Madaxweyne Ku-xigeenku goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Wasiirada cusub ee la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee Xukuumadda kusoo biiray.
Xubnaha Cusub ee maanta la dhaariyey ayaa kala ah:

1- Rashiid Maxamuud Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

32 Khadar Faarax Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Puntland