BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wafdi ay hoggaamineyso Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiye Salaad Samatar ayna qeyb ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Macdanta Xildhibaan Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Haweenka Khadiijo Diiriye, Xildhibaan Maxaamed Xasan Nuux & Xildhibaan Maxamed Buraale ayaa, iyaga oo ku labisan Tuutaha ciidamada gaaray Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo haweeyay Xildhibaano uu kamid yahay Maxamed Ibraahim Macalimuu, Saraakiil Ciidan, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeedka Safarka Wasiirada iyo Xildhibaannada heer federaal ee degmada buulo-Burde ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay dhiiro gelinayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.
Qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaannada gaaray degmada Buulo-Burde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay tagayaan furimaha dagaalka.
Waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay yihiin kuwo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay in hal meel looga wada soo jeesto si uud ahan dalka looga saaro.
Degaano hoostaga degmada buulo-Burde gaar ahaan degaanka jicibow waxaa dhawaan ka dhacay dagaal qaatay in ka badan 10 saacadood, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, waxaana dowladda ay sheegtay in dagaalka khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.