Wasiiru dowlaha Cadaaladda oo Mashiinada Oxygenta gaarsiiyey Degmada Farlibaax.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaalada JFS, Xildhibaan Yusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) ayaa Degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan waxaa uu gaarsiiyey deeq isugu jirta daawo iyo Mashiinada Ogsijiinada ee lagu neefsado.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga Degmada Farlibaax Cawaale Isaaq Cabdulle Jaraay ayaa la wareegay shan Mashiin iyo daawo kale oo uu soo dhiibay Wasiiru dowlaha Cadaalada Soomaaliya ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran Yuusuf Gamadiid.

Mashiinada oo noqonaya kuwii ugu horeeyey ee la gaarsiiso Degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan oo ka dilaacay cudurka COVID-19, kaasoo si ba’an u saameeyey cudurka ayaa wax badan ka bedeli doona xaalada dadka qaba cudurka COVID-19 oo baahi badan u qabay mashiino neefsi ah.

Masuuliyiinta Degmada iyo Bulshada inteeda kale ayaa si weyn ugu mahadceliyey wasiiru dowlaha cadaalada Yuusuf Gamadiid oo usoo gurmaday xili Bulshada ay aad ugu baahnaayeen mashiinadaan.