Wasiiru dowlaha waxbarashada oo kulan la yeeshay madaxa waxbarashadda wadanka Masar.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashadda, hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa xafiiskiisa kula kulmay madaxa ergada waxbarashadda wadanka Masar ee Soomaaliya, mudane Hashim Shalabi, ayaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dal ee dhanka waxbarashadda iyo dib u howl gelinta Iskuulka 15 Maajo, ee Magaaladda Muqdisho kaasi oo fursad waxbarasho siin doona carruurta Danyarta ah ee Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashadda mudane Jaabiri ayaa u ballan qaaday ergada waxbarashadda wadanka Masar inay diyaar ula tahay wasaaradda waxbarashadda wax kasta oo lagama maarmaan u ah, adkeynta xariirka labada dal ee dhinacyada waxbarashada, Dhaqanka iyo fursad siinta ardayda Soomaaliyeed, kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha waaxda Tacliinta Sare ahna kusimaha Agaasimaha guud ee wasaaraadda waxbarashadda Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusman.