Wax ka ogow afarta janan ee Ruushka “looga dilay” dagaalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in ciidamadiisa ay dagaal ku dileen jenaraal kale oo Ruush ah. Ma uusan sheegin magaca jananka, hase yeeshee la taliye ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine ayaa yeeshay in ninka dhintay uu yahay Sarreeye Gaas, Oleg Mityaev.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in xooggaga xagjirka ah ee Azov ay Jenaraal Mityaev ku dileen meel u dhaw magaalada Mariupol.

Waa sarkaalkii afaraad ee ay Ukraine sheegtay in lagu dilay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalkaas.

Khubarada milateriga ayaa rumaysan in ilaa 20 janan ay hogaaminayaan duullaanka Ruushka. Haddii ay dhab noqoto in la dilay afar kamid ah, taasi waxa ay ka dhigan tahay in 20% la laayay hogaamiyayaasha dagaalka ee Ruushka uu u diray Ukraine.

Qof ka tirsan dadka aadka u dhaw Madaxweynaha Ukraine ayaa wargeyska Wall Street Journal u sheegay in milateriga dalkiisa uu leeyahay koox si gaar ah u bartilmaameedsata saraakiisha Ruushka.

“Waxa ay raadsadaan jenaraallada, duuliyayaasha iyo taliyayaasha ciidanka madaafiicda goobta,” ayuu qofkaas u sheegay wargeyska.

Khaarajinta saraakiisha sare ee Ruushka ayaa niyadda u dhisaysa ciidamada Ukraine oo tiro iyo tayo ba aan u dhigmin xooggaga ay Moscow u dirtay dalkaas.

Si loo bartilmaameedsado jananada Ruushka, ciidanka Ukraine ayaa u baahan inuu ogaado halka ay ku sugan yihiin. Khubarada ayaa rumaysan in ciidamada Ruushka ay isticmaalayaan isgaarsiin si fudud loo dhagaysan karo, taasina ay sahashay in la ogaado aagga ay joogaan saraakiisha.

Haddaba maxaa laga yaqaan afarta janan ee ay Ukraine sheegtay in lagu dilay dagaalka?

Sarreeye Gaas, Oleg Mityaev

Ukraine ayaa sheegtay in lagu dilay meel u dhaw magaalada Mariupol ee koonfur bari dalkaas, taasoo ay ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay.

Xooggaga Azov oo ah dagaalyahanno xagjir ah, isla markaana taabacsan ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay dileen jananka.

Waxa uu hogaaminayay qeybta 150-aad ee ciidanka lugta, oo ah mid la asaasay sanadkii 2016, saldhigna ku leh gobolka Rostov ee u dhaw xuduudda Ruushka uu la leeyahay Ukraine.

Xukuumadda Kyiv ayaa ku doodaysa in ciidankaas loo sameeyay si ay u caawiyaan xooggaga gooni u goosadka ah ee ka dagaallama bariga Ukraine, inkastoo Ruushka uu beeniyay in ciidamadiisa ay ka garab dagaallameen jabhadaha.

Sarreeya Gaas Andrei Kolesnikov

Ukraine ayaa sheegtay in janankan oo hogaaminayay guutada 29-aad ee ciidamada isku dhafka ah la dilay 11-kii March.

Lama shaacin qaabka lagu dilay ama goobta uu ku dhintay.

Markii ay xukuumadda Kyiv shaacisay inuu yahay jenaraalkii saddexaad ee Ruushka looga dilay dagaalka, ayaa mid kamid ah mas’uuliyiinta reer galbeedka waxa uu sheegay inay tuhunsan yihiin in niyad jab haysta ciidamada iyo saraakiisha duullaanka ah ay sababtay in ay si taxadar la’aan ah u galaan furimaha dagaalka.

Sarreeya Gaas Vitaly Gerasimov

Jananka ayay Ukraine sheegtay inuu hogaaminayay guutada 41-aad ee ciidamada isku dhafka ah, isla markaana 7-dii March lagu dilay meel u dhaw magaalada Kharkiv ee bariga dalkaas.

Ciidamada Ruushka ayaa duqeyn iyo weerarro joogta ah ku hayay magaalada Kharkiv oo u dhaw xuduudda labada waddan.

Milateriga Ukraine ayaa shaaciyay cod ay sheegeen inuu yahay laba askari oo Ruush ah oo ka hadlaya dilka jananka, isla markaana ka cabanaya qalabkooda isgaarsiinta.

Gerasimov ayaa ka qeyb qaatay dagaalkii labaad ee uu Ruushka la galay Chechnya, hawlgalladii Suuriya iyo qabsashadii Crimea ee 2014.

Sarreeya Gaas Andrey Sukhovetsky

Waxa uu taliye kuxigeen u ahaa Gerasimov, 3-dii March ayaana la sheegay in meel fog laga toogtay. Si lamid ah jenaraal Gerasimov, janankan ayaa ka qeyb qaatay hawlgalladii Ruushka ee Suuriya iyo Crimea.

Geeridaas waxaa si weyn uga hadashay warbaahinta Ruushka, waxaana khudbaddiisa ku xusay Madaxweyne Vladimir Putin oo xaqiijiyay in Sukhovetsky uu ku dhintay dagaalka Ukraine.

Source:- BBC