Wax ka ogow qodob la rabo in isbeddel loogu sameeyo shirka Muqdisho

Shirka ka socda Muqdisho ayaa la sheegayaa i la rabo isku day lagu yareynayo tirada ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada goolaha shacabka sida aan xogtaan ku heleyno.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in ergooyinka lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii laga gaaray doorashada ee la saxiixay 27-kii May.

Qodobkan ayaa u muuqda mid ay inta badan ka mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada, marka loo eego qodobadii kale ee shirka la horkeenay oo mid ka mid ah durbaba la diiday, kaasi oo la xiriiray deegaan doorashada.

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.