Wax Ka Ogow Qorshaha Cusub ee Saciid Deni iyo Safarkiisa Kismaayo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah Maamul Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani iyo wafdi uu hogaaminayay.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku joogi doona Jubaland iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda Dowlada Jubaland iyo Bulshada.

Masuuliyiinta ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac.

Xog kale ayaa sheegeysa in Saciid Deni uu qorsheynayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana maalmaha soo socda uu billaabi doonaa qorshihiisa Ololaha.