Wax ka ogow wadanka labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarkiisa ku tagi doona.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo uu ka helay casuumaad rasmi ah.

Warar aan helay ayaa sheegaya in safarka labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegi doona uu yahay dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa safarka Abu Dhabi kadib, waxaa la sheegay inuu ka degi doono Nairobi, wuxuuna casuumaada ka helay madaxda dowladda Kenya. Socdaalka Xasan Sheekh ayaa ku aadan maalmaha soo socda ee dhammaadka toddobaadkan ama horaanta toddobaadka xiga.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Nairobi kula kulmi doonaa dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana la qorsheynayaa in kulamadooda ay meesha uga saaraan madmadow badan oo mudo ku soo jiray xiriirka labada dalka.

Soomaaliya iyo Kenya, hadda waxay heystaan fursad weyn oo ay uga gudbi karaan sooyaalka xiisado daba-dheeraaday oo saameeyey shucuubta labada wadan.

Labadaan dal ee dhacda Geeska Afrika, waxaa si weyn isugu milan danaha shacabkooda, waxayna faa’iido weyn ka heli karaan iskaashi iyo is aaminaad dhex-marta, sida ay qabaan quburada ka faalloota arrimaha gobolka.

Inta badan xiisadihii dhex maray Soomaaliya iyo Kenya waxay salka ku hayeen kiiskii go’aanka caalamiga ah laga qaatay ee badda dhacda xuduuda labada dal, kaas oo hadda Kenya aysan u fureyn wado ay ku sii wado murankiisa.

Soomaaliya iyo Kenya waxay si weyn isugu xumaadeen intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo, balse madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa Muqdisho uga soo qeyb galay caleemo saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo muujineysa in Kenya ay diyaar u tahay wanaajinta xiriirkeeda Soomaaliya.