Weerar Bam oo xalay lagu qaaday Ciidamo ku sugan Janaale.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imanaya magaalada Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya weerar bam oo lagu qaaday bar koontarool oo ku taal Janaale ay ku dhinteen askar iyo dad rayid ah.

Labo askari oo ka mid ahaa ciidmadii ilalaada ka ahaa barta koontarool iyo wiil 12 jir ah oo rayid ah ayaa ku dhintey weerarkan bambaano,lama sheegin wax dhaawac ah oo uu geystey weerarkan bamka ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada weerarka bambaano lagu qaaday ay sameeyeen howlgal, hayeeshee intii ay kujireen ay toogteen Nin looga shakiyay in uu miino Aasayay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ninka la toogtay oo caan ka ahaa degaanka Janaale dhowr mar la xiray, isaga oo looga shakiyay in uu la Shaqeeynayay Al-Shabaab, isla markaana markii la dilayay uu istaag ka diiday Ciidamada.

Degaanka Janaale ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro bambaano iyo dagaalo toos ah, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.