Weerar dhabo gal ah oo lagu dilay saraakiil katirsan Booliska Kenya

Saraakiil katirsan Booliska Kenya
Saraakiil katirsan Booliska Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Al-shabaab ayaa weerar dhabba-gal ah ku qaaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Kenya, waxaana weerarkaas uu ka dhacay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Laba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa  toogasho waxaa ku dilay rag looga shakisan yahay inay yihiin Al Shabaab halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo lagu qaaday baabuur booliis ah oo ay saarnaayeen.

Gaariga ay saarnaayeen Ciidanka Booliska ee la weeraray ayaa kusii jeeday Magaalada Mandheera, isla markaana waxaa uu ka baxay degaanka Rhamu, kaasi oo waday raashin loogu tala-galay Ciidanka Booliska ee ku sugna degaankaas.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi Bari Rono Bunei ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen booliiska, kaas oo ka soo ambabaxay degmada Rhamu kuna sii jeeday magaalada Mandheera ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab, xilli uu marayay meel 40-km u jirta magaalada Mandheera.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ugu qaadeen Kolonyo ayla socdeen Ciidanka Kenya oo socdaalo ku marayey degaano ka tirsan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.