Weerar ka dhacay Muqdisho & wararkii ugu dambeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Rag hubaysan ayaa xalay waxaa weerar ku bilowday bambo gacmeed ay ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Agagaarka masaajidka Turkiga ee kuyaalla Wadada u dhaxeysa Isgosyka Fagax &  Xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan.

Dagaal kooban oo ka dhacay Goobta weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay sida la xaqiijiyay Wiil Dhalinyaro ah oo wadada marayay, kaas oo lagu Magacaabi jiray Sakariye Cabdullaahi Sabriye, halka ay ku dhaawacmeen weerarka.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in Ciidamada Booliska ay Barta-koontorool isaga tageen intii uu socday dagaalka walow markii dambe ay dib ugu soo laabteen.

Warar qaar ayaa sheegaya in raga weerarka soo qàaday ay ahaayeen ciidan millatari ah oo iyaga oo meesha maraya hubna aan wadan ay markii hore  qash qashaadeen kuwa booliska sidaasna ay  kusoo weerareen .

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo weeraray Barta Koontorool ee Ciidamada Booliska kuleeyihiin Agagaarka Masaajidka Turkiga, waxaana inta badan ku waxyeelooba dad Shacab ah.