Weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday Magaalada Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa la sheegaya in xalay xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Jugta madaafiicyo la isu adeegsaday ayaa xalay laga maqlay magaalada Baydhabo iyadoo la isu weydaarsaday madaafiic iyo rasaas xoog leh

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaan Madaafic ee xalay lagu weeraray ciidanka Itoobiya.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii dambe joogteysay weerarada ay ku qaado Magaalooyinka dalka.