Weligaa qof dumar ah ha weydiin su’aalahan!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaad hor taagan tahay qof dumar ah laga yaabee inay tahay qaraabo, ama inaad markaasi is aragtan waxaa laga yaabaa inaad dooneyso inaad su’aal weydiiso.

Ka hor inta uusan hadalka afkaaga ka soo bixin is weydii, su’aashani ma tahay su’aal wanaagsan, mise su’aal dhibaato ku keeni kara.

Halkan waxaa ah 10 su’aalood oo ah inaadan waligaa qof dumar ah weydiin, xaalad kasta oo la taagan yahay.

Imisa jir ayaa tahay?

Tani dhab ahaantii ma aha su’aal xun in la weydiiyo haweeney u muuqata inay da’deedu ka hooseyso 25-27,oo ay weli u muuqato qof yar.

Laakiin haddii aad waydiiso su’aashan qof dumar ah oo da’diisu ka weyntahay 30-40 jir ah, waxa laga yaabaa in aad halis u gasho inay xumaan dareento ama niyad jab.

Uur miyaad leedahay ama ma yeelatay?

Tani ma sahalano, sababtoo ah haddii aysan uur lahayn, waxaad si maldahan u leedahay calool ayaad leedahay ama waad cayilantahay.

Mararka waxaa dhici karta in qofka aad weydiineyso su’aashaasi uuba raadinayo uur oo xitaa waxaa dhici karta in habeenkii oo dhanba ay ku fakareysay arrintaasi balse su’aashaada ayaa laga yaabaa inay dhibaato kale u keento.

Habkee ugu fiican ee loo maareeyaa? Kaliya la sheekeyso oo waxba ha weydiin iyada ayaaba laga yaabaa inay kuuu sheegto haddii ay uur leedahay.

Haddii ay xaaskaaga tahayna si kale ayaad u weydiin kartaa oo waxaad uga sheekeyn kartaa arrimaha ku saabsan caruurta.

Lacag amaah ah ma isiin kartaa?

Ragga inta badan dumarka waxba kama qaataan oo waxay la qabsadeen in iyaga wax la siiyo ama ragga ay weydiistaan.

Waxaa caam ah in dumarka ay raadiyaan qof iyaga wax siiya ee ma rabaan qof iyaga wax ka doonaya.

Misaankaagu waa imisaa

Dumarka inta badan ma jeclo in su’aashaan la weydiiyo haddii uu misaankeedu badan yahay iyo haddii uu yaryahayba waxaana laga yabaa in niyad jab ay ka qaaddo su’aashii aad weydiisay, qaarkoodna waxaaba laga yaabaa inaysan ka run sheegin xitaa haddii ay kuu sheegto.

Tan kale maba jirto sabab weyn oo ay ragga su’aashaas u weydiiyaan.

Ma i jeceshahay?

Su’aashaan waxaa laga yabaa in xaaladda adkeyso oo waxaa laga yabaa inay ku tiraahdo ‘Maya’ iyadoo weliba og inay ku jeceshahay oo sidaasi ku dhamaado xiriirkii jacayl ee idinka dhaxeeyay. Sidoo kale waxaad u muuqaneysa qof qiimihisu hooseeyo oo quus taagan.

Gabadhu aad xiriirka leedihiin amaba xaaskaaga ah waad garan kartaa inay ku jeceshahay iyo inkale marka su’aal umaba baahna.

Maxaad weli keli u tahay amaba aadan u guursan?

Su’aashaan waa mid khaldan sababtoo ma ogid sababta ay u guursan weyday, waxaaba macquul inayba cillado dhanka caafimaadka ah iska jiraan amaba aysan haysan qof ay guursato sidaa darteed waxaa laga yaabaa in su’aashaas ay uur ku taallo ku noqoto oo ay niyad jab ka qaaddo.

Waligaa ha waydiin inay bixiso cashada?

Haddii aad casho ku casuunto, ha ka filin inay lacag bixiso. Haddii ay iyada garato oo ay bixiso waa caadi oo adiga ayay ku xiran tahay in aad aqbasho iyo inaad diiiddo. Laakin, adiga ha waydiin in ay bixiso. Noqo qof akhyaar ah oo wax garad ah oo garta inuu qaata mas’uuliyadda waxyaabahaasi yaryar.